Gå till innehåll
meny

Ku wareejinta alaabta (somaliska)

Wareejinta alaabta shaqsi ahaan loo leeyahay ee stadsbyggnadshus 2 waxay dhacday intii u dhaxeysay 25 febraayo iyo 7 maarso. Haddii aadan alaabtaada soo qaadan , fadlan nagala soo xiriir cinwaanka meeylka Komvux.

Fadlan nala soo xiriir haddii aadan soo qaadan alaabtaada

Haddii aadan soo qaadan alaabtaada, nagala xiriir meeylka dugsiga komvux: komvux.retur@orebro.se. Si faahfaahsan u sharax alaabta kaa maqan fadlan haddii aad sawiro ka heysidna ku soo lifaaq.

Haddii aan ogaano in waxa kaa maqan ay diyaar yihiin ballan ayaan kuu qabaneynaaoo aad alaabta ku soo qaadatid. Alaabtaada waxaad ka soo qaadan kartaa lookaalka uu hore u lahaan jiray dugsiga Sörbyäng, cinwaankiisana yahay Mejramvägen 111. Waxaad heli doontaa tilmaamo dheeri ah oo aad ku heleysid lookaalka dugsiga aad tageysid iyo ballankaba waxaa laguugu soo diraa meeyl ahaan.

Alaabta shaqsiyan aad u leedahay ee lagugu wareejinaayo waa taleefoonka gacanta, kombiyuutarka shaqsiga, fureyaasha, boorsooyinka jeebka, boorsada weyn iyo dharka dibadda loo xirto.

Cinwaanka

Mejramvägen 111
702 18 Örebro

Baska

Joogsiga basaska ee ugu dhow Mejramvägen 111 waa Karlsdalsallén halkaasoo uu maro baska namba

Jadwalka markaas shaqeynaaya iyo qiimaha kaarka baska iyo tikidhka waxaad ka heleysaa bogga shabakada Länstrafiken.

Intaadan imaan ka hor

  • Soo qaado caddeyn. Haddii aadan haysan hore u soo wado qaraabo haysta caddeyn.
  • Soo qaado telefoonka gacanta- ama fiilada kombiyuutarka.
  • Soo qaado meel aad alaabtaada ku ridatid haddii waxa aad qaadaneyso ay badanyihiin.

Ma hubantahay inaan alaabteyda dib u helaayo?

Maya taas ma ballan qaadi karno. Inta lagu jiray daadgureynta waxaa dhici karta in alaab badan ay jidka ku dhumeenama ay burbureen. Haddii ay arrintu sidaas u dhacdo waxaad qasaaraha ku soo gaaray u gudbin kartaa shirkadaada ceymiska.

Ku wareejinta qalabka waxbarashada

qalabka waxbarashada ee looga tagay dugsiga Risbergska, sida buugaagta, buugaagta xusuus qorka, boorsada qalimaanta iyo wixii la mid ah waxaa idinku wareejinaaya macalimiinta marka casharada la bilaabo goobta aad markaas wax ku baraneysaan.

Bogga Isbedelada waxbarashada dadka waaweyn inta lagu jiro teeramka gu’ga 2025 waxaad ka arkeysaa meesha lagu dhigaayo koorsada aan baraneysid.

Senast uppdaterad:

Publicerad:

Kontakta Komvux

Kontakta Örebro kommuns servicecenter

Telefon: 019-21 10 00 

Öppettider: Måndag–fredag kl. 8–16.30

Besöksadress: Näbbtorgsgatan 10

Öppettider: Måndag–fredag kl. 10–16

E-post till servicecenter

servicecenter@orebro.se